Minnesota Secretary Of State - Isdiiwaangeli si aad u codayso (Register to vote)
Skip to main content

Isdiiwaangeli si aad u codayso (Register to vote)


Boggan, ka baro yaa codayn kara iyo sida la isud diiwaangeliyo ka hor ama Maalinta Doorashada.

Yaa codayn kara?

Si aad Minnesota uga codayso, waa in aad tahay muwaadin Maraykan ah, ugu yaraan jira 18 sano Maalinta Doorashada, aadna deganayd Minnesota ugu yaraan 20 maalmood.

Haddii dembi culus lagugu xukumay, waad codayn kartaa ka dib markaad dhammaysato dhammaan qaybaha xukunkaaga, oo ay ka mid yihiin tijaabo dembiile, siidayn waqtigii oo aan la gaarin, ama shuruudo kale sida magdhaw.

Waad codayn kartaa adigoo weli (qof mas'uul kaa ah) hoos jooga, haddii aan garsoore kaala noqon xaqqa aad u leedahay codbixinta.

Tilmaamaho ku saabsan sidii aad isu diiwaangelin lahayd

Waa in aad ka diiwaangashan tahay cinwaankaaga hadda si aad u codayso. Si aad u codayso internetka af Ingiriis isaga diiwaangeli ama soo daabaco warqadda arjiga oo af Soomaali ah.

Sidoo kale waxaad iska diiwaangelin kartaa goobta codbixinta deegaankaaga Maalinta Doorashada. Waa in aad tustaa caddayn ah magacaaga iyo cinwaankaaga hadda. 

Ma in aan isdiiwaangeliyaa haddii aan guuray ama magaca beddelay?

Waa in aad isdiiwaangelisaa mar kasta oo aad cinwaanka beddishid, magacyada beddeshid ama aadan codayn ugu yaraan hal mar muddo afar sano gudahood ah. Buuxi arji cusub si aad wax uga beddeshid diiwaangelintaadii hore.

Sida la isu diiwaangeliyo Maalinta Doorashada

Si aad isaga diiwaangeliso goobtaada codbixinta maalinta doorashada, waxaad la timaada hal caddayn degganaansho ee liiska hoose.

1. WARQAD AQOONSI (ID) OO LEH MAGACAAGA IYO CINWAANKAAGA HADDA

  • Shatiga dareewalka ee Minnesota oo aan dhicin, ruqsadda bartaha ama Warqad Aqoonsi; ama risiit kuwaan midkoodna.
  • Warqadda Aqoonsiga Qabiil oo magac, cinwaan, sawir iyo saxiix leh.

2. Warqad aqoonsi oo leh sawir ayna weheliso dukumiinti leh, magacaaga iyo cinwaankaaga hadda

Warqadaha Aqoonsiga oo sawirka leh ee la aqbalayo (mid dooro)
Hadduu rabo ha ahaado mid dhacay.

  • Shatiga dareewalka, Warqad Aqoonsi ee gobol ama ruqsadda bartaha oo uu soo saaray gobol uun
  • Baasaboor Maraykan ah
  • Ciidamada Maraykanka ama Warqadda Aqoonsiga ee Askartii Hore
  • Warqadda Aqoonsiga Qabiil oo magac, saxiix, iyo sawir leh.
  • Warqad Aqoonsi ee Jaamicad, kuleejo ama kuleejo farsamo ee Minnesota

Warqadaha Aqoonsiga ee la aqbalayo (mid dooro)
Waxaa lagu tusi karaa qalab elektronik ah.

  • Qaansheeg, koonto ama caddayn adeeg la bilaabayo ama taariikhdiisu tahay 30 maalmood gudahood maalinta doorashada oo ah:
    • Taleefoon, TV ama internet
    • Qashinka, bulaacad, koronto, gaas ama biyo
    • Dukumiinti bangi ama kiridhit kaar
    • Ijaar ama mortgage
  • Heshiis dheer oo deeggaansho ama heshiis kiro oo shaqaynaya ilaa Maalinta Doorashada
  • Caddayn ah lacag arday bixiyo oo hadda ah

3. CODBIXIYE DIWAANGASHAN OO XAQIIJIN KARA CINWAANKAAGA

Codbixiye diiwaangashan oo xaafaddaada deggan ayaa kuu raaci kara goobta codbixinta si uu u saxiixo dhaar xaqiijinaysa cinwaankaaga. Tan waxaa la yiraahdaa ‘damaanad’. Codbixiye diiwaangashan wuxuu damaanad qaadi karaa ilaa iyo sideed codbixiye. Adiga haddii cidi ku damiinatay adigu cid ma damiinan kartid.

4. WARQADDA AQOONSIGA EE ARDAY KULEEJA DHIGTA OO AY WEHELISO LIISKA GURYAHA ARDAYDA

Kuleejooyinka iyo jaamicaduhu waxay u soo diraan saraakiisha doorashada liiska guryaha ardayda. Haddii aadan ku jirin liiska, tus Warqaddaada Aqoonsiga ee arday kuleejo dhigta si aad u dhammays tirto isdiiwaangelintaada.

5. ISDIIWAANGELINTA SHARCIGA AH EE XAAFADDA

Haddii aad xaafadda ka diiwaangashan tahay laakiin aad magacaaga beddeshay ama meel kale oo isla xaafadda ah u guurtay, waxaad u baahan tahay oo kaliya in aad u sheegto garsooraha doorashada magacaagii ama cinwaankaagii hore.

6. OGYSIIS ISDIIWAANGELIN DAAHSAN

Haddii aad isudiiwaangelisay si aad u codaysid labaatan maalmood gudahood maalinta doorashada, waxaa laga yaabaa in boosta aad ka hesho Ogaysiis Isdiiwaangelin Daahsan. La imaw una isticmaal ogaysiiskaas caddayn degganaansho si aad isudiiwaangelisid

7. QOF KA SHAHAQEEYA XARUN DEGGANAANSHO

Haddii aad ku nooshahay xarun degganaansho, qof shaqaale ah ayaa kuu raaci kara goobta codbixinta si uu u xaqiijiyo cinwaankaaga. Tan waxaa la yiraahdaa ‘damaanad’. Qof shaqaale ah wuxuu damiinan karaa dhammaan codbixiyayaasha u qalma ee ku noon xarunta.