Minnesota Secretary Of State - Goor hore ku sii codee warqadda codaynta maqanaha (Vote early with an absentee ballot)
Skip to main content

Goor hore ku sii codee warqadda codaynta maqanaha (Vote early with an absentee ballot)


Minnesota gudaheeda, ma ahan in aad sugto ilaa Maalinta Doorashada si aad u codeyso - horay ugu sii codee boostada ama xafiiska doorashada deegaankaaga!

Goor hore sii codee shakhsi ahaan

Waxaad ka dhiiban kartaa codbixinta maqnaanshaha xafiiska doorashada deegaankaaga oo bilaabmaysa 46 maalmood ka hor Maalinta Doorashada.

Hel xafiiska doorashooyinka ee xaafaddaada

Goor hore ku codee boosto ahaan

Waxaad sidoo kale codsan kartaa in boostada laguugu soo diro warqadda codbixinta maqnaanshaha. Waa in aad soo celisaa warqadda codbixinta Maalinta Doorashada.

Tilmaamaha codeynta goor hore ah ee boostada lagu diro

  1. Ka codso warqad codbixin waqti kasta mnvotes.org. Codso warqadda codbixinta wakhti kasta inta lagu jiro sanadka. Saraakiisha doorashada ayaa soo diri doona agabka cod bixinta marka warqadaha cod bixinta ay diyaar noqdaan.
  2. Si taxaddar leh u akhri tilmaamaha la socda warqaddaada codbixinta! Warqadaada cod bixinta lama xisaabin doono haddii aadan buuxin foomamka dhammaantiis.
    • Akhri tilmaamaha la socda warqadda cod bixinta (loogu talagalay cod-bixiyayaasha aan diiwaanka gashanayn)
    • Akhri tilmaamaha la socda warqadda codbixinta (cod-bixiyeyaasha diiwaanka gashan)
  3. Waxaad u baahan doontaa markhaati marka aad codaynayso oo aad dhamaystirto warqadaada codbixinta. Marqaatiyafu waxay noqon karaan codbixiye ka diiwaan gashan Minnesota ama nootaayo. Marqaatigaagu waa inuu sixiixaa baqshadda sixiixa islamarkaana ay qoraan ciwaankooda.
  4. Haddii aadan u diwaan gashanayn in aad codayso, waxaad arjiga diiwaangelinta ka heli doontaa alaabtaada dhexdeeda. Si aad isu diiwaan geliso, tus markhaatigaaga hal caddayn oo deggenka ah. Marqaatigaagu waa inuu ku calaamadeeyaa aqoonsiga aad tustay baqshaddaada sixiixa.

  5. Marka aad dhammayso, boostada dib ugu soo dir warqadda codbixinta iyo foomamka isla markaaba. Codbixintaada lama xisaabin doono haddii la helo Maalinta Doorashada ka dib. Waxa kale oo aad ku soo celin kartaa warqaddaada codbixinta shakhsi ahaan adida oo keenaya xafiiska doorashada ee kuu soo diray warqaddaada.

 

Raad raac ku samee warqadaada cod bixinta

Dhammaan warqadaha codbixinta maqnaashaha ee lagu helo waqtigii loogu talagalay oo foomamkana si sax ah loo soo buuxiyay waa la tirin doonaa.

Raad raac ku samee xaalada codbixintaada oo xaqiijiyo in la helay lana tiriyay.