Minnesota Secretary Of State - Codaynta Maalinta Doorashada (Election Day voting)
Skip to main content

Codaynta Maalinta Doorashada (Election Day voting)


Boggan, ka baro meesha aad ka codaynayso, waxa aad soo qaadaneyso, sida loo helo caawimo iyo codbixiye ahaan, waxa ay xuquuqahaagu yihiin.

Goobaha cod bixinta iyo saacadaha

Hel/Ogoow meesha aad ka codeyneysid. Inta badan goobaha cod bixinta waxay furan yihiin 7 subaxnimo ilaa 8 galabnimo

Maxaa lala imaanayo/loo soo qaadanayo goobta

Haddii aad ka diiwaan gashan tahay inaad ka codayso cinwaankaaga hadda, uma baahnid inaad keento aqoonsi. Haddii aad u baahan tahay in aad isdiiwaangeliso ama aad cusboonaysiiso diiwaangelintaada, caddaynta deganaanshaha ka hor inta aadan codayn

Hel caawinaad codaynta ah

Waxaa jira siyaabo badan oo aad ku heli karto caawimaad marka aad codeyneyso. Waxaad keeni kartaa qof ku caawiya, weydii garsooraha doorashada, isticmaal mishiin kaa caawiya inaad calaamadiso warqaddaada ama xitaa ka codee baabuurkaaga.

Caawinta qoyska, asxaabta ama deriska

Waxaad soo kaxaysan kartaa xubin qoyskaaga ah, saaxiib, deris ama qof kasta oo aad doorato inuu kaa caawiyo codbixinta. Waxa kaliya ee ka reeban waa in aadan caawimaad ka heli karin loo-shaqeeyahaaga, ururkaaga shaqaalaha ama musharax xafiiska u tartamaya.

Kaaliyahaagu wuxuu kaa caawin karaa dhammaan qaybaha nidaamka cod bixinta, oo ay ku jirto goobta codbixinta. Hase yeeshee, caawiyayaasha waxaa kaliya oo ay gacantooda wax ugu calaamadin karaan ilaa saddex codbixiye doorashadiiba. Waxaad si gaar ah u tusi kartaa warqadda codbixinta garsooraha doorashada si uu u hubiyo in si sax ah loo calaamadeeyay.

Caawiyaasha looma ogola in ay qofka ku qalqaaliyaan codeyn ama la wadaagaan sida aad ula codaynayso dadka kale.

Codaynta goobta dhinaceeda ah (Curbside voting)

Haddii aadan si sahlan uga bixi karin gaarigaaga si aad u gasho goobta cod bixinta, waxaad codsan kartaa in warqadda cod bixinta dibadda laguugu keeno. Tan waxa loo yaqaan curbside voting (codaynta goobta dhinaceeda ah).

Laba garsoore doorasho oo ka kala socda xisbiyada waaweyn ee kala duwan ayaa kuugu keenaya warqadda codbixinta baabuurkaaga dhexdiisa. Haddii aad u baahan tahay inaad isdiiwaangeliso ama aad cusboonaysiiso diiwaangelintaada, waxay sidoo kale kuu keeni doonaan foomka codsiga.

Marka aad dhameysato codbixinta, garsoorayaasha doorashadu waxay warqadaada codbixinta kuugu qaadi doonaan gudaha oo ku ridi doonaan sanduuqa codbixinta.

Caawinaad ka imanaysa mishiinka calaamadeeya warqadda codbixitan

Goobaha cod bixinta intooda badan waxay leeyihiin mishiin kuu calaamadin kara warqadda codbixinta. Wuxuu ku siinaysaa asturnaanta haddii aadan awoodin (ama aadan rabin) inaad qalinka ku codayso.

Mashiinku waxuu leeyahay shaashad muujinaysa warqadda codbixinta oo far waaweyn ku qoran ama muuqaal muujin heer sare ah. Waxa kale oo uu kuu akhrin karaa warqadda codbixinta adiga oo ka dhageysana dhego-gashiga maqalka (headphones).

Waxaad ku buuxinaysaa warqadaada codbixinta adiga oo isticmaalaya furaha indhoolaha, muraayada taabashada ama qalabka sip-and-puff (kombiyuutarka dadka curyaanka ah ee aan dhaqdhaqaaqa lahayn kaaba). Markaad samayso doorashooyinkaaga kadib, wuxuu kuu daabacayaa warqadaada codbixinta ee dhameys tiran

Caawinaada laga helo garsoorayaasha doorashada

Garsoorayaasha doorashada ayaa u jooga goobta in ay kaa caawiyaan habka codbixinta oo dhan.

Haddii aad u baahan tahay in lagaa caawiyo calaamadaynta warqaddaada, laba garsoore doorasho oo ka socda xisbiyo siyaasadeed ayaa ku caawin kara. Looma ogola inay saameyn ku yeeshaan doorashadaada ama kuu sheegaan dadka kale sida aad u codeeyeen.

Fasaxa shaqada si loo codeeyo

Waxaad xaq u leedahay inaad fasax ka qaadato shaqada si aad u codayso wakhti kasta inta lagu jiro wakhtiga codbixinta ee 46 maalmood ah adiga aan lumineynin mushaharkaaga, fasaxaaga shakhsi ahaaneed, ama wakhtiga fasaxa ee dhammaan doorashooyinka gobolka iyo federaalka, iyo dhammaan doorashooyinka deegaanka ee sida joogtada ah loo qorsheeyay.

Loo-shaqeeyahaagu waa inuu ku siiyaa wakhtiga aad u baahan tahay in aad ku codayso, haddii ay ku soo aado wakhtigaaga shaqo ee laguu qorsheeyay. Loo-shaqeeyahaagu kaagama baahan karo inaad isticmaasho fasax shakhsi ah ama wakhtiga fasaxa (eeg Minnesota Statutes 204C.04 iyo 204C.08 Subd.1d).

Qaado waqtiga aad u baahan tahay inaad codeyso oo keliya shaqadana aad.

Loo-shaqeeyahaagu si toos ah ama si dadban uma diidi karo, xaddidi karo, umana faragalin karo xuquuqdan, taas oo ay ku jirto wakhtiga aad doorato inaad codayso.

Loo-shaqeeyahaagu wuxuu ku waydiin karaa inaad u sheegto goorta aad baxayso, oo wayddiiso in shaqaaluhu isku dubbaridaan maqnaanshahooda si loo yareeyo carqaladaynta goobta shaqada.

Waxaad siin kartaa nuqul ka mid ah warqaddan loo-shaqeeyahaaga, taasoo sharxaysa xuquuqda aad u leedahay wakhtiga fasaxa ee codbixinta.

Loo-shaqeeyaha xad-gudub ku sameeya sharcigan waa danbiile. Wixii cabashooyin ah ee ay shaqaaluhu qabaan waa in laga xareeyaa qareenka degmada.

Ogow xuquuqdaada

Cod-bixiye ahaan Minnesota gudaheeda, waxaad leedahay xuquuqo badan - baro xuquuqahaaga!

  • Waxaad heysataa fasax shaqada lagaa siinayo si aad u codayso wakhti kasta inta lagu jiro xilliga codbixinta ee ah 46 maalmood.

Waxaad xaq u leedahay inaad shaqada fasax ak hesho si aad u codayso adiga oo aan lumin mushaharkaaga, fasaxaaga shakhsi ahaaneed, ama wakhtiga fasaxa.

  • Codee haddii aad safka ku jirto 8-da fiidnimo

Waxaad xaq u leedahay in aad codayso haddii aad saf ugu jirto inaad codayso wakhti kasta ka hor 8-da fiidnimo.

  • Afka ku ku sixiis
    Waxaad xaq u leedahay in aad afka ku xaqiijiso qofka aad tahay iyo in aad weydiisato qof kale inuu kuu saxiixo haddii aadan ku saxiixi karin magacaaga.

  • Caawinaad weysiiyso
    Waxaad xaq u leedahay in aad qof kasta caawinaad weydiisato, marka laga reebo wakiilka loo-shaqeeyahaaga ama ururkaaga shaqaalaha, ama musharax.

  • Keenso carruurta doorashada
    Waxaad xaq u leedahay inaad soo kaxeysato carruurtaada marka aad codeyneysid.

  • Codeyn xukun dembi kadib
    Waad codeyn kartaa haddii aadan hadda ugu xirneyn dembi culus.

  • Codee haddii aad ku hoos jirto qof mas'uul kaa ah
    Waxaad xaq u leedahay inaad codayso haddii aad ku hoos jirto mas'uul, ilaa uu garsooruhu kaala noqday xaqaaqa codbixinta.

  • Codee adiga oo aan saameyn lagugu yeelan
    Waxaad xaq u leedahay in aad codayso iyada oo aan qofna goobta codbixinta isku dayin inuu saameyn ku yeesho cod bixintaada.

  • Hel warqadda codeynta beddelka ah
    Waxaad xaq u leedahay in laguu beddelo warqadda codbixinta haddii aad khalad ku samayso warqadda codbixinta ka hor inta aadan codkaaga dhiibin.

  • Cabasho gudbi
    Waxaad xaq u leedahay in aad cabasho qoraal ah ka xarayso goobtaada codbixinta haddii aadan ku faraxsanayn habka doorashada loo maamulayo.

  • Keenso warqad codbixin ah tusaale ah
    Waxaad xaq u leedahay inaad tusaale cod-bixineed u qaadato goobta cod-bixinta.

  • Keenso Sharciga Xuquuqda Cod-bixiyaha
    Waxaad xaq u leedahay in aad koobi ah Xeerka Xuquuqda Codbixiyaha (Minnesota Statutes 204C.08, subd. 1b) u qaadato goobta codbixinta.