Minnesota Secretary Of State - Somali
Skip to main content

Codbixinta Minnesota Gudaheeda (Voting in Minnesota - Somali)


Codaynta Maalinta Doorashada

Taariikhaha Doorashada, sida loo codeeyo, caawinaadda codbixiyaha iyo xuquuqda codbixiyaha.

 

Siyaabo kale oo loo codeeyo

Horay ugu coday warqadda codbixinta maqanaha, ka coday ciidamada ama dalka dibaddiisa, iyo sida loogu codeeyo warqadda codbixinta xaafadda oo boosta la isugu diro.

 

Xaggee ka codeeyaa?

Hel meesha aad ka codaynayso. Macluumaad waxaa la heli karaa 45 maalmood ka hor doorashada gobolka ama federaalka.

 

Maxaa ku yaal warqaddayda codbixinta?

Waxaad heshaa muunad/tusaale ah warqadda codbixinta oo ku tusaysa musharixiinta iyo su'aalaha aad ka codbixin doonto. Macluumaad waxaa la heli karaa 45 maalmood ka hor doorashada gobolka ama federaalka.

MAALMAHA DOORASHOOYINKA EE 2023

  • Siteembar 22: Ku codee boosto ahaan ama qof ahaan Siteembar 22 ilaa Nofeembar 6 (Doorashada Guud).
  • Oktoobar 17: Horay isu diwaangeli 17ka Oktoobar si aad wakhtiga u badbaadsato Maalinta Doorashada.
  • Nofeembar 7: Maalinta Doorashada.

Maxaa ku qoran warqadda codbixinta ee 2023?

  • Dhammaan aagagga Minnesota doorasho kama dhici wada doonto 2023. Waxa laga yaabaa in cod-bixiyayaashu ay ku arkayaan warqadahooda cod-bixinta mid ama kaban tartamayaashaan soo socda: 
  • Saraakiisha Magaalada (City Officers)
  • Xubnaha Guddiga Iskuulka (School Board Members)
  • Saraakiisha Magaalada (Township Officers)
  • Su'aalaha loo codeynayo ee deegaanka