Horay ugu coday adigoo qof ahaan imanaya
Waxaad warqadda codbixinta maqanaha ku ridi kartaa xafiiska doorashooyinka ee deegaankaaga laga bilaabo 46 maalmood ka hor Maalinta Doorashada.
Hel xafiiska doorashooyinka ee xaafaddaada
Horay u coday adigoo boosta ku soo diraya
Waxaad kaloo codsan kartaa in boosta laguugu soo diro warqadda codbixinta maqanaha. Waa in aad celisaa warqaddaada codbixinta ugu dambayn Maalinta Doorashada
Tilamaamo ku saabsan sidii aad horay codbixintaada ugu soo diri lahayd boostada
- Ka codso warqad codbixin waqti kasta mnvotes.org. Saraakiisha doorashadu waxay soo diri doonaan qalabka codbixinta marka waraaqaha codbixnta la helo (taariikhaha gadaal ka eeg).
- Si taxadar leh u akhri tilmaamaha la socda warqaddaada codbixinta! Warqaddaada codbixinta lama tirinayo haddii aadan buuxin dhammaan foomamka.
- Waxaad u baahan doontaa markhaati markaad codayso oo aad buuxinayso warqaddaada codbixinta. Markhaatigu wuxuu noqon karaa codbixiye ka diiwaangashan Minnesota ama nootaayo. Markhaatigaagu waa inuu saxeexo baqshadda saxiixa oo uu ku qoro cinwaankiisa.
-
Haddii aadan u diiwaangashanayn in aad cod bixiso, waxaad heli doontaa arji isdiiwaangelin oo ku dhex jira qalabkaaga. Si aad isudiiwaangelisid, tus qofk markhaati kuu ah mid ka mid ah aqoonsiyada ku taxan ti bixinada. Markhaati waa in uu ku calaamadeeyaa baqshadda saxiixa aqoonsiga aad tustay.
- Markaad dhamayso ka dib, bib boostada ugu soo dir codbixinta iyo foomamka isla markiiba. Waxaad sidoo kale shaqsi ahaan aad u soo celin kartaa codbixintaada xafi doorashada ee soo dirtay codbixintaada.
La soco warrqaddaada codbixinta
Warqadaha codbixinta maqanaha ee la helay waqtigii la rabay oo foomamkooda si sax ah loo soo buuxiyay waa la tirin doonaa.
La soco xaaladda warrqaddaada codbixinta Hubina in la helay lana tiriyay.