Boggan, waxaad ka baranaysaa meeshii aad ka codayn lahayd, waxaad soo qaadan lahayd, sidii aad caawinaad u heli lahayd iyo waxa xuquuqdaadu tahay codbixiye ahaan.
Hel meesha aad ka codaynayso. Goobaha codbixinta badankoodu waxay furan yihiin laga bilaabo 7da subaxnimo ilaa 8da fiidnimo.
Haddii aad ka diiwaangashan tahay in aad ka codayso cinwaankaaga hadda, uma baahnid in aad la timaadid aqoonsi. Haddii aad u baahan tahay in aad isdiiwaangeliso ama diiwaangelintaadii hore wax ka beddeshid, waad u baahan doontaa in aad tusto caddayn deganaanshahaaga intaadan codayn.
Waxaa jira siyaabo badan oo aad caawinaad ku heli kartid markaad codaynayso. Waxaad soo kaxaysan kartaa qof ku caawina, waxaa weydiin kartaa garsooraha doorashada, waxaad isticmaali kartaa mishiin si uu kuugu caawino in aad calaamasayso warqaddaada codbixinta ama waxaad xittaa kartaa in aad codayso adigoo baabuurkaaga ku jira.
Waxaad soo kaxaysan kartaa qof qoyska ka tirsan, saaxiib, deris, ama ciddii aad doonto in ay ku caawinaan si aad u codayso. Waxaa kaliya oo aadan caawinaad ka raadin karin waa looshaqeeyahaaga ama ururkaaga ama qof xafiis u sharaxan.
Qofka ku caawinayaa wuxuu kaa caawini karaa dhammaan qaybaha kala duwan ee helinka ama nadaamka codbixinta, oo ay ku jirto waabta codbixinta gudaheeda. Haseyeeshee qofka ku caawinayi waxa kaliya oo uu isagu u calaamadayn karaa warqadda codbixinta ilaa iyo saddex codbixiye doorashadiiba.
Dadka ku caawinaya looma ogola in ay saamayn ku yeeshaan codkaaga ama ay dadka kale u sheegaan sida aad u codayso.
Haddii aadan si fudud baabuurkaaga uga bixi karin si aad u gasho goobta codbixinta, waxaad codsan kartaa in debedda laguugu keeno warqadda codaynta. Tan waxaa loogu yeeraa dibad ka codayn.
Laba garsoore doorasho oo ka kala socda xisbiyo waaweyn oo kala duwan ayaa baabuurkaaga kuugu keenaya warqadda codaynta. Haddii aad u baahan tahay in aad isdiiwaangelisid ama aad wax ka beddeshid diiwaangelintaadii hore, waxay kaloo soo raacinayaan arji.
Marka aad dhammaysato codaynta, garsoorayaasha doorashada ayaa warqaddaada codbixinta gudaha kuu gaynaya oo ku riddaya sanduukha codbixinta.
Goobaha codbixinta badankoodu waxaa yaal mishiin calaamadayn kara warqadda codbixinta. Waxay ku siinaysaa asturnaan haddii aadan karin (ama aad doorato in aadan) ku codayn adigoo qalin isticmaalaya.
Mishiinku wuxuu leeyahay shaashad aad ka arkayso warqadda codbixinta oo far waaweyn ku qoran ama waxa ku qoran aad si fiican uga arki kartid. Wuxuu kaloo samayn karaa in uu kuu akhriyo warqadda codbixinta markaad samaacadaha dhegaha gashato.
Waxaad warqaddaada codbixinta buuxin kartaa adigoo isticmaalaya Braille keypad, shaashadda taabanaya ama qalab afka loo adeegsado si kombutarka aad wax ugu qorto. Ka dib markaad doorato qalabka aad rabto, wuxuu daabacayaa warqadda codbixinta oo dhammaystiran.
Garsoorayaasha doorashadu waxay meesha u joogaan in ay ku caawinaan sidii aad u mari lahayd nidaamka doorashada min bilaw ilaa dhammaad.
Haddii aad u baahan tahay caawinaad si aad u calaamadayso warqaddaada codbixinta, waxaa ku caawini karaa laba garsoore doorasho oo kala socda xisbiyo kala duwan. looma ogola in ay saamayn ku yeeshaan waxaad dooranayso ama ay dadka kale u sheegaan sida aad u codaysay.
Waxaad xaq u leedahay in shaqada lagaa faxaso si aad u codayso adiga oo aan lagaa goynayn lacag, fasaxa gaarka ah, ama fasax aad xaq u yeelatay dhammaan doorashooyinka gobolka iyo federaalka, iyo dhammaan doorashooyinka deegaanka ee leh jadwal joogto ah.
Looshaqeeyahaaga waxaa waajib ku ah in uu bixiyo waqtiga aad u baahan tahay in aad ku codayso, haddii waqtigaasu ku soo aado jadwalkaaga shaqada. Looshaqeeyahaagu shuruud kaagama dhigi karo in aad isticmaasho fasaxa gaarka ah, ama fasax aad xaq u yeelatay (eeg Xeerarka Minnesota 204C.04 iyo 204C.08 Subd.1d).
Isticmaal oo kaliya waqtiga aad u baahan tahay in aad ku codayso oo shaqadaada aad.
Looshaqeeyahaagu si toos ah ama si dadbanba kuuguma diidi karo, xadidi karo, ama faragelin kuma samayn karo xaqqan, oo ay ku jirto in aad codaysid waqtiga aad doorato.
Looshaqeeyahaagu waa ku waydiin karaa in aad u sheegto marka aad tegaysid, iyo in uu waydiisto in shaqaaluhu isuduwaan waqtigooda si maqnaanshahoodu aanu u carqaladayn hab socodka shaqada.
Looshaqeeyaha sharcigan ku xadgudba waxaa lagu helayaa dembi fudud. Wixii cabashooyin ah ee ka imanaya shaqaalaha waa in loo gudbiyaa xeerilaaliyaha degmada.
Maadaama aad tahay codeeye ah reer Minnesota, waxaad leedahay xuquuq badan—ogow xuquuqdaadu waxa ay tahay!